Mac-Hadka Daarul Qalam ee Garowe oo Ardaysiisa u qabtay Xaflad Lagu soo Xirayey Sanad Dusiyeedkiisa.[Masawiro]
May 28, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qayb galeen Macalimiin Culima Aw diin xubno ka socda Mu’assada Al-minhaaj Bahda Abwaaniinta iyo marti sharaf kale oo badan. Machadka Daarul Qalam oo la furay saddex sano ka hor ayaa Mudadii uu Jiray gaaray guulo wax ku ool ah waxaana markiisii hore lagu furay hal qol iyo 10 Arady Haddana waxaa uu degan yahay Machadku Dhisme Weyn Islamarkaana waxaa wax kabarta 110 Arday Oo wada Dumar ah.
Mudadii ay socotay Xafladu waxaa Ardayda la weydiiyay su’aalo ka koob naa Cilmigii ay barteen halkaas oo Gabdhuhu soo jeedsheen Cilmigii ay ka dhaxleen Mah-hadka Daarul qalam. Machadka Daarul Qalam waxaa lagu bartaa Culuumta Shareecada Isla markaasna waxaa dhamaan martidii goobta ka hadashay ay Qireen Machadka Daarul Qalam Iyo Dowrka Lixaadka ka leh ee uu kaga jiro Bulshada.
Ugu danbayntii waxaa goobta Mahad celin ka soo Jeedshay Macalim Maxamuud oo ah Maamulaha Daarul Qalam waxaana uu Bulshada u soo Jeedshay in ay ka qayb qaataan Dhisme cusub oo Machadku gooni u leeyahay waxaana uu xaqiijiyay Maamule Maxamuud In ay ku gudajiraan Habkii Uu Machadku u yeelan lahaa Dhisme cusub xafladuna waxaa ay ku soo xiran tay jawi wanaagsan.
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Garowe , Halgan.net