Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Gaas oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho.[Masawiro]

May 18, 2016 - Written by Editor

IMG_8816-640x426Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maanta 18- May-2016 kasoo amba baxay magaalada Boosaaso  ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa soo gaarey magaaalada muqdisho  ee caasimadda dalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyey  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir , waxaana soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo waftigiisa loo gudbiyey qaybta nasashada ee garoonka.

Nasasho Kadib Madaxweynaha iyo Waftigiisa waxaa loo sii gudbiyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Villa Hargaysa, halkaas oo uu Madaxweynuhu ka degi doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb geli doona shir labo maalmood socon doona, shirkaas oo ay kasoo qayb geli doonaan xubno ka socda golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo madaxda kala duwan ee Soomaalida.

Shirkaas ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabagelyada guud ee dalka Soomaaliya, xaaladda kala guurka ah ee dalku uu  kujiro, hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka, heshiisyadii dhexmaray dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

no images were found

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online