Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Hambalyo u diray Shacabka reer Jabuuti (Masawiro)

May 8, 2016 - Written by Editor

13180899_1064897410241327_660555272_nMadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey oo maanta magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jabuuti xilkaasi culus ee markii afraad ay u igmadeen shacabkiisu.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu is beddello horumarineed ka sameeyey dalkaasi muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa isla markaa uu u rajeynayo in uu sii wado dedaalada horumarineed ee uu ugu jiro dalkiisa.

“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan kasoo qayb galo caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil oo runtii waddankaan isbeddel aad  u weyn ka sameeyey, isbeddel dhaqaale, horumar iyo kaabayaal dhaqaale oo waddankani u baahnaa ayuu Madaxweynuhu sameeyey, guul iyo khayr baan u rajeynayaa, Eebbena waxaan uga baryayaa in uu xilkaasi ku asturo” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hambalyo u diray shacabka reer Jabuuti  meelkasta oo ay joogaan waxaana uu ilaahay uga baryey in barwaaqo iyo horumar ku gaarsiiyo sannadka sannadkiisa.

no images were found

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa la kulmi doona  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana waxa ay kawada hadli doonaan ammaanka iyo xasilloonida geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya dawladda Puntland iyo dawladda Jabuuti.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online