Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC.[Masawiro]

May 3, 2016 - Written by Editor

IMG_7579Boosaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 3-May-2016 xafiiskiisa Madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Jordi  Raich Curco. Waftigaan uu hoggaaminayey  Jordi  Raich Curco  ayaa waxaa ka mid ahaa Peter Lick oo ah xiriiriyaha hay’adda ICRC ee Puntland iyo gobollada dhexee ee soomaaliya iyo Madaxa ICRC ee Puntland  Cabdifataax Fandhaal, waxayna u socdeen in ay Madaxweynaah uga warbixi yaan halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso  deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawla shaqo ee ay  hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday oo ku yaalla guud ahaan gobollada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kala hadlay hay’adda ICRC dar-dargelinta barnaamijyada caafimaad ee ay hay’addu kala shaqayso Wasaaradda Caafimaadka Puntland si looga gaarsiiyo dhammaan gobollada Puntland Adeegyo Caafimaad oo tayo leh.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxa hay’adda  ICRC Soomaaliya  ayaa isku afgartay dhammaan umuurihii ay kawada hadlayeen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay’adda ICRC in ay dardadgelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka iyo ceelal biyoodyo laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.

no images were found

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online