Madaxweynaha DFS oo gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda

May 12, 2016 - Written by Editor

xasan2-400x200Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, General Yoweri Kaguta Museveni oo ka dhacdey magaalada Kampala.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaanka iyo shacabka reer Uganda ay wax walba u hureen sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan lahayd masiibadi dagaaladii sokeeye iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, sidaa darteedna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay farxadda caleema saarka Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa la qeybsanayaan.

Jamhuuriyadda Uganda ayaa tan iyo bishii January 1986-kii waxaa hoggaaminayay Madaxweyne Museveni iyo Xisbigiisa (National Resistance Movement) NRM.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Museveni oo ka dhacdey fagaaraha Kololo ee bartamaha caasimadda ayaa waxaa sidoo kale soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika, General Idriss Déby Itno,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika, Jacob Zuma, Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamka kaleba ka socday.

Musaasabaddan sida heerka sare loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan horumarka Uganda, iyo doorka u dalkaasi ku leeyahay qaaradda Afrika ka jeediyay Madaxweye Museveni, iyadoo ciidammada kala duwan ee Uganda ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka.

————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online