Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay bannaanka hore ee xarunta taraafikada

May 9, 2016 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhimatay  saaka qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay  bannaanka hore ee xarunta taraafikada, oo ku taalla degmada Shangaani ee gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa sida ay sheegeen dad goobjoog ah gaari laga soo buuxiyey walxo qarxo uu ku hor-qarxay afaafka hore ee xarunta  taraafikada waxaana qaraxa uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka ku dhintay ay u badan yihiin dad rayid ah waxaana sidoo kale ku jira askar ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka .

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada amniga ay toogteen ruux hubeysan oo doonayey in uu xoog ku galo xarunta ciidamada ilaalada waddooyinka taraafikada

Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa Inshalaah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online