Saldhiga ciidamada AMISOM ee Xalane oo xalay la duqeeyey iyo AMISOM oo ka hadashay .

May 3, 2016 - Written by Editor

DuqeynWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho saaka ayaa sheegaya in hoobiyaal lagu garaacay xalay xarunta ciidanka ee Xalane waxayna duqeyntu bilaabatay xalay saq dhexe.

Tiro hoobiyaal ah ayaa ku soo hoobtay  Xarunta ugu weyn Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ee xalane waxaana jugta laga maqlayey agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Jen Joseph Kibet ayaa xaqiijiyey in xalay lagu weeraray xarunta xalane tiro hoobiyaal ah wuxuuuna sheegay in 3 hoobiyaal ay ku soo dhaceen agagaarka xerada xalane aysan geysan wax khasaaro ah.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarka xalay lagu qaaday Xarunta ugu weyn Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ee xalane .

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online