Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay arimo kala duwan.
May 26, 2016 - Written by EditorGolaha Xukuumadda ee dawladda Puntland ayaa maanta shirkoodii Khamiislaha ahaa waxaa looga hadlay arimaha amniga waxaana heegan la galiyey ciidamada Puntland noocyadooda kala duwan .
Warmurtiyeed laga soo saaray shirka golaha wasiirada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dowlada Puntland ay si dhab ah ula socoto falal amni xumo ah oo ay kooxda Al-Shabaab rabaan in ay ka fuliyeen Soomaaliya .
Kulanka gollaha Wasiirada ee Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in amaanka deegaanada Puntland ay sugan yihiin ayna ciidamada Puntland u taagan yihiin difaaca dalka.
Ciidamada Difaaca ee Puntland (KDF) waxa ay dhabarka ka jabiyey kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo duulaan ku soo qaadayXeebaha gobalada Mudug & Nugaal bish March 14keedii.
no images were found
Kooxda Al-Shabaab ee ku sugnaa Buuraha Galgala ayaa u kala jabay laba koox oo kala raacsan Daacish iyo Al-Shabaab .
M_M Deeq
Halgan.net