Shirkii Hogaanka Issimada dhaqanka Soomaaliyeed oo ka socda maalinti 2aad magaalda Qardho.[Masawiro]
May 25, 2016 - Written by EditorQardho:-Waxaa maalintii labaad galay shirkii hogaanka Issimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, Shirkaan oo maalintii shalay si rasmi ah u furmay ayaa waxaa ka qayb galay Issimo dhaqan oo gaaraya ilaa 110 Issim oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya. Maalintii shalay ayaa Shirka issimada dhaqanka Soomaalyeed waxaa ay doorteen gudi ka kooban ilaa 5 xubnood oo kala ah:-
1.Ugaas Faracadde
2.Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi
3.Suldaan Xaydar Suldaan Suufi
4.Iimaam Cismaan Maxamad
5.Ugaas Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Xuseen
Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socda Qardho ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii ugu horeeyey oo Madaxd Dhaqanka Soomaaiyed oo dhan 110 Issim ay ka soo qayb galaan si ay uga wada hadlaan arrimaha nabadgelyada iyo in hishiis la dhex dhigo beelaha Soomaaliyeed ee dhex dooda ay ka jiraan khilaafka iyo colaadaha. Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka socon doonaa magaalada Qardho mudo 5 cisho ah oo ay Issimadu uga doodi doonaa arrimo badan oo ku saabsan khilaafaadka beelaha iyo si nabad waarta iyo xal loogu raadin lahaa Soomaaliya oo dhan.
no images were found
Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa saaka wajigiisa labaad marii uu furmay waxaa waano ka jeediyey Sheekh Abdirixmaan Bukhaari oo Issimada ku waanyey in dowrkooda ay qaataan ayna Alle uga baqaan umada Soomaaliyeed ee dhibaataysan una istaagaan hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
M_M_Deeq
Halgan.net