Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Muqdisho
May 19, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wafdiga ayaa waxaa ay wakiil ka yihiin 15 xubnood ee Qaramada Midoobay waxaan ay madaxda Soomaalida kala hadli doonaa qaabka ay u dhacayso doorashada 2016. Wafdi ka socda Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira Soomaaliya iyagoo meel dhexe iskugu keeni doona khilaafka hadda ka dhex taagan Madaxda Federaalka gaar ahaan Ra’isul wasaarah DFS Dr Cumar Cabdirashiid, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweye Xassan Sh Maxamuud oo dhinac ah.
Dhinac kale waxaa shalay gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas iyo wafdi la socda waxaan ay qayb ka noqon doonaa kulamada ay xubnaha Qaramada midoobay la qaadan doonaa Madaxda Soomaalida kuwaas oo looga hadli doono qaabka ugu haboon oo baarlamaanka DFS ku meel marin karnaa Hishiiskii Garoowe iyo Muqdisho ay kuwa gaareen Madaxda Soomaalida.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net