Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka Shirar uga qayb galay.[Masawiro]
July 22, 2016 - Written by EditorOHIO:-Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf oo hawlo shaqo u jooga dalka Maraykanka ayaa maanta ka qayb galay dood cilmiyeed lagu qabtay Jaamacadda Cleveland State University, xilli uu halkaasi ka soconayey shirka Republican National Convention. Ujeeddada doodda ayaa ahayd “Mustaqbalka Dimuqraadiyadda Qarniga” ama “The Future of Democracy in the 21st century“ iyadoona halkaasi si qoto dheer loogu lafo guray hannaanka mustaqbalka Demuqraadiyadda caalamka.
Agaasimaha Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ka qayb galay dood cilmiyeed kale oo lagu qabtay mac-hadka International Republican Institute e magaalada Cleveland OHIO doodaas oo lagu qaadaa dhigayey sidii xisbiga Republican-ka u hanan lahaa siyaasadda Mustaqbalka.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa lagu casumey in uu ka qayb galo shirweynaha xisibiga Republican-ka uga socda magaalada Cleveland OHIO, si uu uga kororsado khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka axsaabta.
no images were found
Agaasime Deeq ayaa muddada uu ku sugan yahay carriga maraykan ka waxa uu ka qayb geli doonaa shirarkale oo muhim ah, kuwaas oo la xiriira hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalkaasi maraykanka.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.