Culimada Soomaaliyeed oo baaq nabadeed u jeediyey labo beelood oo colaado ku dhex martay Koonfurta Sool.[Dhagayso]
July 6, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Idaacadda Qur’aanka kariimkaa ee Al-xikma Faraceed magaalada Garoowe oo laga dhagaysto inta badan Deegaanada Puntland iyo Gobollada dhexe ee dalka ayaa maalmaha ciidaha waxay samaysaa barnaamij ay ku waraysanayso Culimada Soomaaliyeed dalka iyo Dibada . Culimada Ciidaan Ciidul Fidri marti ku ahayd barmaamijka ciid ee Idaacadda Al-xikma waxaa ka mid ah:-
1. Sh Maxamed Cabdi Umal
2. Sh Maxamuud Maxamed Shible
3. Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf
4. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
5. Sh Maxamed Mucalim Axmed
6 .Sh Suldaan Cabdiqani Qorane
Dhamaan culimadaan ayaa muujiyay sidda ay uga soo horjeedaan In dalka Soomaaliya iyo dadkiisa Muslimkaa lagu cayaaro islamarkaana loo soo guuriyo dhaqamo xun oo laga soo raray reer galbeedka .
Sidoo kale Waxaa Culimadu Baaq nabadeed u direen dhamaan Umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Beelaha walaalaha ah ee Kudagalamay Koonfurta GobolkaSool iyagoo culimadu ay codsadeen in si deg deg ah colaadaas loo joojiyo.
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Ciid%20Wanaagsan%201437%20Nuur%20Jaamac%207723014%20Alxik%20Garowe%20.MP3]M_M_Deeq
Halgan.net