Dalbashada ansaxinta Heshiiskii CEDAW waa khiyaamo Diimeed.W/Q: Sh Calinuur Axmad Xoogsade
July 1, 2016 - Written by EditorHeshiiskan loo yaqaan CEDAW ee la sheegay in lagu sugayo xuuquuqda Dumarka waxa uu ka mid yahay heshiisyo fara badan oo la sheego inay calami yihin kuwaasoo halqabsi looga dhigo ereyo la soo naashnaashay oo ula jeedada tahay in wax magaradku la moodsiiyo wax wanaagsan inay yihiin kuwaasoo badankood ah kuwa khilaafsan Diinta waxna u dhimaya dhaqanka suuban ee umada.
Allaah mahadii heshiiskan CEDAW ma saxiixin wadamo fara ku tiris ah oo ay Soomaaliya ku jirto mana aha hada in Wazaarad ama qof wax garad ah dalbado in la saxiixo heshiisyadaas ayadoo ay qofkii saxiixa ku qasbanaanayo inuu ka tirtiro sharcigiisa wax kasta oo khilaafsan heshiiskaas CEDAW oo aan dib ka faahfaahin doonon qodobada ku qoran.
Heshiiskan waxaa la saxiixay markii u horeysay 1979 kii waxaana garhaye ka ahaa wadamada Reer galbeedka iyo ururo Calmaaniyiinta ah oo aan aaminsaneyn wax diin ah taasoo sababtay in qoraalada heshiiskan ahaadaan kuwa khilaafsan diinta Islaamka iyo mabaadii kasta oo umad aaminsaneyd.
Heshiiskan wadamada saxiixay waxaa ay hadana badankood diidan yihiin qodobada qaar mądaama uu si cad ugasii hor imaanayaan dhaqamada iyo mabaadii daumadahaas aaminsan yihiin, dhanka kalana wadamada awooda isbidaya oo ay ugu horeyso USA waxa ay ku qasbaan wadamada faqiiriinka ah ama taagta daran inay saxiixaan heshiiskaas ayadoo hadana Mareykanka ka mid yahay wadamada heshiiskan diiday in ay saxiixaan.
Hadaba la yaab malaha in xiligaan oo uu wadankeenu ku jiro xalad jeeb xumo ama mid awood yaraan xaga doowlada ka jirto in Wazaarada Haweenka doonaan inay hirgaliyaan sharciyo khilaafsan Diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan ayadoo laga yaabo in Jahli ama jeeb yari u sababeen isku daygan guracan ee la doonayo in Soomaaliya looga dhaqangaliyo CEDAW.
Laakiin waxaa kasii yaab badan Waziir ka warfaafinta iyo saxafiyiinta qaarkood isku dayaan in ay qariyaan khatarta uu xambaarsan yahay Buuga ay qoray Wazaarada Haweenka ee uu ku dalbanayaan saxiixa Heshiisyada khilaafsan Diinta iyo Dhaqankeena suuban, waxaan xasuusinaya lahaa Wazaarada Warfaafinta iyo Wariiyayaasha hadii ay ayaga yihiin carabkii iyo qalinkii Doowlada ha ogaadeen in Culumaduna inay yihiin Indhihii, carabkii iyo Qalinkii Diinta iyo Dalka.
Ugu danbeyn umada Soomaaliyeed
Waxaan leeyahay kala doorta Kitaabka Allaah ee Muqdaska ah iyo Buugaagta madmadow ee lagu hirgalinayo xeerarka khlaafsan Diinta dhaawacayana akhlaaqda suuban ee umadeena.
Gabagabadii waxaan xasuusinayaa aqoon yahanka damiirka Diimeed ama wadaniyadeed leh inay jawaabo ka bixiyaan soon Turjumaan qodobada Heshiisyada ay dalbatay in la saxiixo wazaarada Haweenka sida CEDAW iyo kuwa kale ee ku qoran Boga 6aad ee Buuga Waziirada ansixiyeen ayagoo ku marmarsiiyoonaya inuu diinta waafaqsan yahay.
Lasoco qeybaha dambe Maqaalkan.
W/Q: Sh Calinuur Axmad Xoogsade
asadxg@hotmail.com