DFS oo Sheegtay in ay bilaabayso hawlgalo Ka Dhan ah Kooxda Al Shabaab

July 2, 2016 - Written by Editor

ciidanMuqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daah-fur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba.

Ciidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal argagixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shabaab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.

————————DHAMMAAD———————-

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online