Garaad Abshir Saalax oo maanta lagu aasay deegaanka Ballicad.[Masawiro]
July 11, 2016 - Written by EditorBuuhoodle:-Garaad Abshir Saalax oo maanta lagu aasay Xabaalaha bariga Magaalada Ballicad oo Buuhoodle kaga beegan dhanka bariga 52 km.Aaaska Garaadka allaha u naxaristee ayaa waxaaa ka soo qayb galeem madax dhaqameed iyo issimo waawayn oo ka kala socda maamulada Dalka Somaaliya ka jira.
Madax dhaqameedkan oo ka badnaa illaa 200 oo Qof ayaa waxaa Maydka laga soo dejiyey Garoonka magaalada Buuhoodle. Iyadoo Maydka loo sii gudbiyey dhankaa iyo magaalada Ballicad.
no images were found
Maydka Garaadka Abshir Saalax ayaa waxaa salaadii Janaazaada ku tukaday dad ka badan 3,000 ay ku Tukadeen una Duceeyeen Garaadka.
Mowliid Ismail Diged
Laascaanood,Halgan.net