Inqilaabkii Turkiga oo Fashilmay iyo Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Istanbul
July 16, 2016 - Written by EditorIstanbul:-Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya dalka Turkiya ayaa sheegaya in uu fashilmay inqilaab ay isku dayeen qaar ka mid ah ciidanka milatariga ee dalka Turkiya.
Madaxweynaha dalka Turkiya Erdogan ayaa sheegay in qeyb ka mid ah militarigu ay isku dayayaaninay xukunka qabsadaan balse ay fashilmeen.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka danbeeyay afganbigan tallaabo adag laga qaadi doono, lana horkeeni doona cadaalada.
Taliyaha ciidanka Melatariga ee dalka Turkiya ayaa laga soo furtay ciidan Afduub u heystay waxaa kale oo ay ciidanka gaarka xoreeyeen wariyaasha TV- TRT oo ay afduub u qabsadeen ciidamadii Inqilaabka isku dayey.
Shacabka dalka Turkiya ayaa si weyn isigu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiya iyaga oo si weyn u taageeray baaqii Madaxweynaha dalka Turkiya Erdogan,
C/Casiis Maxamed
Halgan.net