Laba qarax oo ka dhacay albaabka laga galo xarunta Xalane iyo Agagaarka Garoonka Aadan Cadde .
July 26, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ugu yaraan 13 qof, ayaa ku geeriyooday qaraxyo saakay ka dhacay agagaaka garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Weerarka labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray albaabka laga galo xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.
Labada qarax ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan cadde iyo xarunta Xalane ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari waxaana weerarka sheegtay in ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab Abdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay Al-Jazeera in ay iyagu ka danbeeyeen labada weerar ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan cadde iyo xarunta Xalane wuxuuna sheegtay in ay saraakiil ka tirsan UN iyo AMISOM dileen.
Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxyada la la doonaayay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane ,laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen dadka ku dhintayna ay u badan yihiin dad rayid ah.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ku wajahnaa hay’adaha UN-ka balse gaarigii waday wlxaha qarxa uu ku qarxay inta u dhexeysa albaabka garoonka diyaaradaha laga galo iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee loo yaqaan Madiina Gate.
A/Cawale
Halgan.net