Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaalkacyo kaga qayb galay munaasabadda ciidul-fitriga.[Cod/Masawiro]

July 6, 2016 - Written by Editor

IMG_8908Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06-July-2016 munaasabadda ciidul-fitriga kala qayb galay kumannaan qof oo muslminiin ah oo salaaddii ciidda ku tukukanayey garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa farxadda cidda ugu hambayeeyey malaayiinta qof ee soomaaliyeed ee ku kala tukanayey salaadda ciidu-fitriga daafaha dunida gaar ahaa shacab weynaha reer Puntland, waxaana uu Eebbe uga baryey dhammaantoodba  in ay ku ciidaan ciid wanaagsan.

“Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, waxaan rabaa anigoo ka faa’iidaysanaya fadliga maalintan barakaysan ee ciidda in aan tahniyadda ciidda u diro shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedba oo iraahdo ciid wanaagsan.

Ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu ciiddan ciiddeeda kale inaku gaarsiiyo nabad-gelyo, wadajir iyo midnimo”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland meel walba oo uu joogo ugu baaqay in ay adkaystaan amnigooda iyagoo la shaqaynaya laamaha kala duwan ee ammaanka.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaya sida ugu wanaagsan ee looga hor tegi karo kooxaha sharwadayaasha ah ayuu shacab Puntland ku boorriyey in aanay guryohooda ka kirayn cid aanay garanayn oo aanay ka haysan dammaanad buuxda oo lagu kalsoonaan karo.

“Cadowgu markii aynaan mideysneyn waa geesi wuuna ka faa’iideystaa, markii aynu uga soo wada jeesano oo mid nahayna waa fuley”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo habeen iyo dharaarba u heellan difaaca Puntland iyo sidii uu  shacabka Puntland ugu noolaadan sharaf iyo karaamo.

no images were found

Hoos ka Dhagayso hadalkii uu madaxweyne Gaas u jeediyey shacabka reer Gaalkacyo salaadii Ciida ka dib

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/khudbadiiciidaMadaxweynaha-20.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online