Madaxweynaha DFS oo cambaareeyay Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiya
July 16, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha JFS mudane Xasan Sheakh Maxamuud ayaa cambaareeyey afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay magaalooyin kamid ah dalka Turkiga.
War kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu cambaareynayo isku daygii la doonayey In lagu inqilaabo dalka Turkiga, kadib markii koox saraakiil ah oo katirsan militariga dalka Turkiga ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo dimiquraadiyadda dalka Turkiga.
“Waa wax aan la aqbali karin in la badalo dariiqa dimoquraadiyada ee ay ku raaxeysanayeen shacabka dalka Turkiga waqtiyo badan oo taariiqdooda ah, tani waxey aheyd nasiib daro, aad ayaana uga xunahay inan maqlno in ciidamo xun ay isku dayeen in dhulka Turkiga ay ku celiyaan qalalaaso, balse laga adkaaya”Ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in taageero buuxa ay la garab taagan yihiin dowlada madaxweyne Erdogan, isagoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey in shacabka iyo hogaanka dalka Turkiga ay u rajeynayaan in ay sii wataan midnimada, nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada ay ku naaloonayaan.
—–Dhamaaad—