Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo boqolaal dadweyne ah ciida kula tukaday Garoonka Mire Awaare.[Masawiro]
July 6, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa saaka looga ciiday si aad u weyn waxaana soo buuxdhaafiyey garoonka Mire-awaare ee magaalada Garoowe Masuuliin ka tirsan Puntland iyo Dadweyne aad u tiro badan . Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa la tukaday dadweyno tiro badan iyaga oo halkaas laga jeedshay baaqyo ku socda in la joojiye colaad ku dhexmartay Koonfurta Sool labo beelood oo walaalo ah.
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxaa ugu hambalyeeyey munaasabada ciidda Soonfur shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa Puntland sagoo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey guul iyo baraare.
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu baaqay labad beelood ee walaalaha ee colaado ku dhexmartay Koonfurta Sool in ay joojiyaan ayna adeecaan Issimada ,Cuaqaasha , Nabadoonada iyo culimada ku howlna daminta colaada.
Sh. Maxamuud Xaaji Yusuf oo ka mid ah culimaa’uddiinka Puntland, ayaa ugu baaqay shacabka in ay Alle ku xirnaadaan ay ka soo baxaan waajibka Alle saaray ayna ku dadaalaan bixinta sadaqada si loo gargaaro shacabka qaarka tabaalaysan ayna is cafiyaan.
no images were found
Sidoo kale Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka md ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Garoowe ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada ka dhex aloosan labada beelood ee walaalaha ah waxaana uu hoosta ka xariiqeen in dagaalkaas uu yahay mid fitno ah oo xaaraan ah isagoona ugu baaqay waxgaradka gaar ahaan Issimada iyo culimadu in ay si deg deg ah wax uga qabtaan sidii loo joojin lahaa colaadaas.
M_M Deeq
Halgan.net