Ururka Al-shabaab oo qabsatay Magaalada Marka.[Dhagayso]
July 11, 2016 - Written by EditorMarka:-Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya inay maleeshiyada ururka Al-shabaab ay goor dhow la wareegeen magaalada ka dib markii ay ka baxeen ciidamada DFS. Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyo aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabab ay gacanta ku hayaan oo haatanna gaaf wareegayaan magaalada.
Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la sheegay inay haatan ku sugan yihiin saldhiggooda ku yaalla duleedka magaalada. Ilaa iyo hadda lama ganarayo sababta ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga baxeen magaalada Marka.
Hoos ka Haaruun Macruuf ayaa arrintan ka waraystay guddoomiyaha Marka Xasan Cumar Macallin.
[audio: http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/07/11/dc8c0e34-c65c-4956-98d9-331fb4205a32.mp3]Source:VOA