Wafdi ka socda IGAD iyo dalka Itoobiya oo tegay magaalada Beledweyn.[Masawiro]
July 12, 2016 - Written by EditorBeledweyne:-Wafdiga ka socda ururka IGAD iyo dowladda Itoobiya ayaa maanta soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, wafdiga maanta soo gaaray Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.
Wafdiga maanta soo gaaray Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah Jeneraal Gabre oo dowladda Ethiopia ka socda, waxaan la filayaa in ay kulamo kala duwan ay la qaataan odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Xildhibaanada ka tirsan Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga ka socda ururka IGAD iyo dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay odayaasha haqanka Gobolka Hiiraan waxaa ay kala hadli doonaan qaabka ugu sahlan oo loo dhisi karo maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo beelaha dega gobolka Hiiraan qaar kood ay ka horyimaadeen.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe halka lagu qabanayo iyo qaabka loo qayb sanayo xubna ka mid noqon doono golaha wakiilada ee maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
no images were found
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya aya in mudo ah shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexeka waday magaalada Jowhar waxaan ka horyimid caqabadao badan oo suurto geln waayey in maamulka loo dhiso si hufan.
A/cawaale
Halgan.net