Xaflad loo qabtay Ardaydii ku guulaystay Tartanka quraanka Kariimka ee Kismaayo.[Masawiro]
July 1, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa manta ka dhacay masjidka wayn ee XAMZA BINU CABDI MUDHALIB, xafladdii sharfidda ardaydii ku guulaysatay tartankii quraanka kariimka, ee magaalada Kismaayo, Tartankan oo ay ardeydu ku loolamayeen 30, Juz 15, Juz 10 Juz iyo 5 Juz oo kamid ah qur’aanka kariimka qowlkii eebbe ayaa waxaa gacan weyn ka geysatay dowladda Jubbaland, ayadoo madaxweeynaha dowladda mudane Axmed Max’ed Islaam uu abaalmarinno qaali ah ugu deeqay ardeydii kaalimaha hore ka gashay tartankaasi,
Ardeygii kaalinta 1-aad galay Tartankii 30-juz ee qur’aan kariimka oo lagu magacaabo Fa’izo Khaliif C/laahi ayaa la gudoonsiiyay gaari nooca raaxada oo qiimihiisu yahay $5000 (shan kun oo dollar), kaalinta labaad ee 30ka juzna waxaa lagu abaalmariyay $1200 oo dollar, kaalinta saddexaad ee 30ka juzna waxa uu ku guulaystay $800, halka ardeyga kaalinta 1-aad ka galay 15-ka Juz ee qur’aanka kariimka oo lagu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Diri waxaana la gudoonsiiyay gaari qiimihiisu yahay $4000 (afar kun oo dollar), kaalinta 2aad ee 15ka juz waxaa isla galay labo arday oo abaalmarin u wada helay min $500 doollar, halka kaalinta saddexaad uu helay $400, tobanka juz waxaa kaalinta hore u galay Najmo Aadan cabdullahi oo heshay $700, kaalinta labaad 500 oo dollr, kaalinta saddexaadna 300 oo dollar, Shanta Juz waa hogaanka u qabtay Maryan Maxamuud Cabullahi oo heshay 400 oo dollar, kaalinta labaadna Labo arday ayaa isla gashay waxayna heleen min 150 dollar, kaalinta saddex ardaygii galayna waxa uu helay 150 dollar.
Markii ay soo gaba-gabowday munaasabaddii, waxaa halkaas ka hadlay Waziirka Tacliinta Jubbaland Macalin Maxamed, Godoomiyaha Maxkamadda Saree Jubbaland Cabdishakuur Sh. Maxamed Rashiid, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Aadam Inshaar, Madaxa Mu’asasada Ummah Sh. Cabdirashiid Wali Ibraahim, Madaxa Dacwada Mu’asasada Ummah Cabdi xakiim Shire Muuse, dhamaantoodna waxay booriyeen isla markaana dhiiri galiyeen dhamaan ardaydii ka soo qayb gashay tartankii quraanka kariimka ahaa.
no images were found
Ugu dambayn Madaxawaynaha Jubbaland ayaa ballan qaaday sanadka soo socda, ardaydii galaa kaalinta koobaad, asaga iyo waalidiintiis iyo macalinkii wax soo baray xajka loo qaadi doono haddii uu ALLE idmo.
Mu’assada Umah
Kismaayo,Halgan.net