Culimadii shirka ka qeybgashay oo booqashoyin ku tagay magaaloyinka dalka Finland qaarkood (Masawiro)
August 2, 2016 - Written by EditorFinland:-Ka dib markii la soo afmeeray mu’tamarkii islaamiga ahaa ee wadamada Waqoooyiga Yurub oo sannadkan ka dhacay magaalada Helsinki ee xarunta dalkan Finland, ayaa sidii caadadu ahayd waxaa ay culimadu intii joogtay ee aan si deg-deg ah u laaban booqashooyin ku tageen qaar ka mid ah maraakizta dacwada ee gobollada.
Haddaba sheekhanl faadil DSheekh Maxamed idris oo kamid ahaa culimadii shirka ka qayb gashay ayaa shalay oo Isniin aheyd 01.08.2016 waxaa uu booqasho dacwi ah ku tagay magaalada Turku caasimadda labaad ee dalka oo illaa 170 KM u jirta Helsinki halkaasoo ay ku nool yihiin Soomaali farabadan. Bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi degan ayaa si wanaag san sheekha iyo wafdigiisii ugu soo dhaweeyay.
Waxaana uu sheekhu u soo jeediyay muxaadaro waano iyo dardaaran ah oo cinwaankeedu ahaa “ku sugnaanta diinta”, isagoo islamarkaana uga jawaabay su’aalo diini ah oo ay sheekha weydiiyeen.
Booqashadaasi dacwiga ah oo si nabad ah ku soo dhamaatay, waxaa sheekha ku weheliyay qaar ka mid ah ducaadda markazka, Aadan Sh Cabdi, Muuse Aadan, Cilmi Xaaji Daahir iyo Yaasiin Axmed.
Sidon kale Dr Abdi-nuur Maxamed Maxamud oo kamid ahaa culimadii shirka ka qayb gashay ayaa shalay oo Isniin aheyd 01.08.2016 waxaa uu booqasho dacwi ah ku tagay magaalada Kouvola oo illaa 130 Km u jirta caasimadda Helsinki , halkaasoo ay ku nool yihiin soomaali tiro fiican ah, kuna leh markaz dacwi ah. Bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi degan ayaa si wanaagsan sheekha iyo wafdigiisii ugu soo dhaweeyay.
no images were found
Waxaana uu sheekhu u soo jeediyay muxaadaro waano iyo dardaaran ah oo cinwaankeedu ahaa “ku sugnaanta diinta”, isagoo islamarkaana uga jawaabay su’aalo diini ah oo ay sheekha weydiiyeen. Booqashadaasi dacwiga ah oo si nabad ah ku soo dhamaatay, waxaa sheekha ku weheliyay gudoomiyaha idaarada Bashiir Abdiqani, Usaama Bashiir iyo Maxamed Axmed oo ka mid ah ducaadda markazka.
Halgan.net
Finland