Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo heshiis kala saxiixday (Masawiro)
August 23, 2016 - Written by EditorBoosaso:-Waxaa maanta si wada jir ah heshiis ugu kala saxiixday magaalada Garowe maamulka Jaamacadda Bariga Afrika iyo Masuuliyiin ka socotay Jaamacada caalamiga ah ee Afrika( Intertanional University of Africa),iyadoo heshiiskan qayb ku lahayd Wasaardda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland
Hormuudka kuliyada shareecada Islaamka Jamacada Barriga afrika Jamac Maxamed Xasan ayaa kusifeeyey in uu heshiiskan door weyn ka ciyaari doono sidii kor loogu qaadi lahaa Tayada Jaamacadda Bariga Africa ayna filayaa in si hufan looga faa’iideysan doono.
Baacasiis Cali Bin Cali oo ah Madaxa kuliyada shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacada caalimaga ah ee afrika ayaa ku tilmaamay heerka waxbarasho ee ka jira Puntland mid soo jiidanaya Jaamacadaha kale ee Caalamka , Isagoona sheegay inay Ahmiyad istaraatiijiyeed u leedahay Jamacada Bariga Africa dalka Somalia.
Gudoomiyaha guud ee Jaamacada bariga Afrika Aadan Sheikhdoon ayaa ku tilmaamay heshiiskani inuu yahay fursad dahabi ah oo usoo hooyay bahda Waxbarashada, gaar ahaan ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika,wuxuuna sheegey inay muhiim tahay in si wanaagsan looga faa’iideysto.
no images were found
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa sheegay inay qayb wayn ku lahayd fulinta heshiiskan Wasaaraddiisu , ayna tahay fursad ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda Soomaaliyeed isagoo Jaamacada Bariga Afrika ku tilmaamay mid u qalanta ka faala qaadida miisaanka uu xambaarsan yahay Heshiiskani
Jaamacada Bariga Africa ayaa mudadii ugu danbaysay waxay heshiisyo kala duwan la gashay dhigeeda caalamka gaar ahaan Jaamacado ku yaala Dalalka Malaysia,Sudan iyo Sweden.
Xafiiska Warfaafinta
EAU Puntland Somalia.