Mu’asasada Al-minhaaj oo Nadwo diini ah magaalada Carmo ku soo gabagabaysay.[Masawiro]
August 25, 2016 - Written by EditorCarmo:-Waxaa magaalada Carmo habeenimadii Axada ahayd lagu soo gabagabeeyey Nadwo ka socotay maalmihii lasoo dhaafay magaalada laguna qabtay Masaajidka Al- Taqwa. Nadwa Cilmiyeedkaan diniga ah ayaa ahayd tii 8aad oo lagu qabto degmada Carmo waxaana soo Agaasimay Mu’asasda Al Minhaaj Faraca Bari .
Nadwo cilmyedkaan diiniga ah ayaa waxaa ay ka socotay magaalada Carmo mudo dhan 4 cisho waxaana looga hadlayey “Islaaxinta bulshada iyo Ilaalinta Masaalixda guud”. Nadwadaan oo ahayd mid aad muhin u ah ayaa waxaa ka qayb galay in badan oo ka mid ah Culimada ugu caansan dalka Soomaaliya.
no images were found
In tii ay socotay nadwadan ayaa waxaa qabsoomay howlo badan oo dacawi kuwaas oo gaaraya ilaa 30 camal oo dacawi ah waxayna iskgu jireen howlahaasi
1. Muxaadirooyin habeenkii ah
2. Kaalimaad masaajida ah
3.Dacwo shaaricyo
4.Khudbado jimce
5.Dowro dhalinyaro
6.Kulamo lalayeeshay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada
7.Booqashooyin magaaloyinka u dhow degmada sidda: Ceeldaahir ,Carta iyo Laasadawaco
8.Fataawi iyo Su.aalo culimadu ay uga jawaabeen bulshada ku dhaqan degmada Carmo.
Nadwadan oo ahayd mid aad loogu wacyi galiyaay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool deegaanka carmo ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan. Xiritaankii nadwada ayaa waxaa kalmado warbixin ,dardaaran iyo mahad celinba isugu jira ka jeediyey mas’uuliyiin kalada duwan .
Mu’asasda Al Minhaaj
Boosaaso, Halgan.net