Waa Su’aal Da’ weyn (Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jigjiga)
August 29, 2016 - Written by EditorTobankii bisha 8aad 2016 waxaa magaalada Jigjiga booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamud. Isla 11kii bisha waxay dawladda deegaanka iyo Madaxweyne Xasan soo kormeereen xarumo muhiim ah oo ka mid ah magaalada Jigjiga, ka dibna wuxuu khubdad ka jeediyey kulan loo agaasimay oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda dawladda deegaanka ugu sarreysa iyo waliba golaha wasiirrada.
Intaas ka dib, waxaa booqashada Madaxweyne Xasan Sh. aad u lafaguray qaybo ka mid ah dadka soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa ereyadii loo adeegsaday qoraallada la soo dhigay shabakadaha wararka laysugu gudbiyo:
1- Maxay tahay Booqashada Madaxweyanaha ee Jigjiga?
2- Madaxweyne Xasan oo shacabka deegaanka kula taliyey inaysan Kacdoon samayn.
3- Madaxweynihii soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee booqda Jigjiga.
4- Madaxweyne Xasan oo Su’aalo Xasaasi ah laga weydiiyey socdaalkiisii Jigjiga,
iyo waliba ereyo badan aadna u kala duwan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Falanqeynta arrinkaasna kuma koobnaan in aragtiyada qoraal uun lagu cabbiro ee wuxuu gaaray heer wariye ka tirsan Horn Cable TV uu waraysi ugu tago Madaxweyne Xasan, waraysigaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya, waana toddobaad uun ka dib booqashadii Madaxweyne Xasan ee Jigjiga.
Haddaba, markaan dhuuxay sida loo falanqeeyey booqashada Madaxweyne Xasan ee Jigjiga iyo waliba jawaabaha Madaxwenaha laftiisu ka bixiyey su’aalihii laga weydiiyey booqashadiisa, waxaan is tusay inuu arrinkan u baahan yahay in loo falanqeeyo si qoto- dheer iyada oo la raacayo tiirarka cilmi baarista iyo hab-qorista qormooyinka, waxaana ku soo koobayaa qodobadan:
B- Farqiga u dhexeeya Soomaaliya shalay iyo manta, Itoobiya manta iyo shalay.
T- Xiriirka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda deegaanka 1996dii ka dib.
J- Heerka aqoonsi(ictiraaf) ee caalamku u hayo Itoobiya iyo Soomaaliya Maanta.
X- Booqashada Madaxda Soomaalida ee Itoobiya iyo Deegaanka Soomaalida.
Kh- Maxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed?
B- Farqiga u dhexeeya Soomaaliya shalay iyo manta, Itoobiya manta iyo shalay.
Sida aad ka arkaysid qodobkan Soomaaliya waxaan soo hormariyey Shalay, halka aan Itoobiya soo hormariyey Maanta, waxaan sidaas u doortay inaad markiiba garato heerka ay labada waddan kala joogaan maanta iyo shalay, marka laga fiiriyo dawladnimada oo ay ugu weyn tahay: Nabadda, Dhaqaalaha, Siyaasadda dibadda, Awoodda ciidan iwm.
Intaas oo dhan Shalay(1974) waxaa ku sarreeyey Somaaliya, waxaana 1974tii u doortay waa xiilligii Soomaaliyana ay lahayd awood dhammaystiran walina aan la gelin dagaalki Cirka(Quraanka) ee 1975tii iyo dagaalkii dhulka ee 1976dii, iyadoo Itoobiyana shalay(1974) la afgembiyay Boqortooyadii mugga weyneyd ee Xaylsillaase, askartii wax af-gembidayna aysan waddanka Bari iyo Galbeed midna isugu luga-duwin. Hal sano ka dib(1975) waxaa la qaaday dagaalkii cirka(Diinta & Culimada), Laba Sano ka dib (1976) Jabhadihii ayaa dagaalkii dhulka billaabay, 1977diina Jamhuuriyaddii Soomaaliya ayaa dagaalka gashay, bishii 3aad 1978dii waa la soo jebiyey Soomaaliya, isla bishii 4aad ee sanadkaas waa bil uun ka dib markii laga soo baxay S|Galbeede waxaa dhacay inqilaabkii dhicisoobay, wixii intaa ka dambeeyey Somaaliya waxay noqotay Tusbax go’ay oo kale.
Waxaa markiiba Itoobiya Xarun looga furay SSDF, wax yar ka dib waxaa xarun 2aad loo furay SNM, xaruntii 3aadna waxaa loo furay USC iyo kuwii ka dambeeyey oo kulligood xarafka “S” uu ku wada jiray, ilaa bilowgii 1991dii cagta la mariyey wixii calaamad uun u ahaa dawladnimo. Laakiin Itoobiya isla Sanadkaas(1991) ayay dawlad cusub ka dhalatay, Ereteriya oo qodax ku ahaan lahaydna wayba iska gooyeen oo madaxbannaani ayay siiyeen.
Guud ahaan qodobkan (B) ee ahaa Soomaaliya iyo Itoobiya shalay iyo maanta, waxaan ku soo koobayaa:
Soomaaliya laga soo billaabo 1978dii hoos ayay u socotay, ilaa xilligaasna Bari iyo Galbeed, Cajam iyo Carab, Gaal iyo Muslim cid walba xarash ayay u haysay, waana 38 sano oo ay Itoobiya kor u socotay ilaa ay ka mid noqotay dawladaha Afrika ee ugu awoodda badan xagga ciidanka, iyadoo waliba aan ognahay sida ay Teknolajiyadda aduunku u kortay 20kii sano ee ugu dambeeyey iyo isbeddelada saameeyey guud ahaan caalamka.
Qore: Sh. Axmed Xasan, Arday PhD Culuunta Shareecada
La soco qaybaha kale idanka Alle…….