Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland oo ku baxay Degmada Qandala ee Gobolka Bari
November 29, 2016 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland iyo kuwa Daraawiisha ay ku sii qulqulayaan deegaanada ku xeeran Degmada Qandala iyaga oo lugeynaya ka dib markii degmada Qandal ay soo galeen Kooxda hubaysan oo sheegatay Daacish .
Warar lagu kalsoon yahay oo heshay Halgan.net ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ciidamada Badda Puntland ay uga soo durkeen dhinac badda Degmada Qandala iyaga oo Duqeymo laga maqlayo Degmada.
Dhanka kale waxaa iyaga oo lugeynaya ku dhow Degmada Qandala ciidamo ka tirsan kuwa PIA iyo Daraawiish iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha ku dhaqan deegaanada gobalka Bari. Goobjoogayaal ku sugan deegaano ku dhow Qandala ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamo ka tirsan Puntland ay dhaafeen iyaga oo ku sii jeeda Degmada Qandala.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay dhawaan soo afjari doonaan kooxda Daacish sheegatay ee ku sugan Degmada Qandalla
M_M Deeq
Halgan.net