Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland oo ku baxay Degmada Qandala ee Gobolka Bari

November 29, 2016 - Written by Editor

qandalaWararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland iyo kuwa Daraawiisha ay ku sii qulqulayaan deegaanada ku xeeran Degmada Qandala iyaga oo lugeynaya ka dib markii degmada Qandal ay soo galeen Kooxda hubaysan oo sheegatay Daacish .

Warar lagu kalsoon yahay oo heshay Halgan.net ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ciidamada Badda Puntland ay uga soo durkeen dhinac badda Degmada Qandala iyaga oo Duqeymo laga maqlayo Degmada.

Dhanka kale waxaa iyaga oo lugeynaya ku dhow Degmada Qandala ciidamo ka tirsan kuwa PIA iyo Daraawiish iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha ku dhaqan deegaanada gobalka Bari.  Goobjoogayaal ku sugan deegaano ku dhow Qandala ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamo ka tirsan Puntland ay dhaafeen iyaga oo ku sii jeeda Degmada Qandala.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay dhawaan soo afjari doonaan kooxda Daacish sheegatay ee ku sugan Degmada Qandalla

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online