Dagaal Caawa ka dhacay Xarunta Doorashada Magaalada Jowhar
November 18, 2016 - Written by EditorJowhar:-Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamo uu watay Wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaraha DFS Maxamed C/llaahi Xasan Nuux iyo Ciidamada Ilaaliya Xarunta ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hirshabeelle uu haatan ka socdo Jowhar.
Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday ka dib markii ciidan uu wato Wasiirka Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan uu weerar ku qaadeen xarunta ay ka socotay doorashada ka dib khilaaf dhexmaray Musharx kale oo kursiga kula tartamayey aqalka hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu sababay khasaaro kala duwan waxaana ka jira magaalada Jowhar xaalada kacsanaan ah .
A/Cawale
Halgan.net