Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating oo gaaray magaalada Boosaaso
November 7, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas. Wafdiga uu hogaamnayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa uu madaxda Puntland ka waa hadli doonaan Arrimaha Doorashooyinka 2016 , Abaaraha ka jira Degaanada Puntland iyo weliba colaada iy dagaalka ka aloosan magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeya Puntland iyo Gal-Mudug.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa maalmo ka hor sheegay in beesha caalamka oo faraha kula jirta arrimaha Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin in doorashadu ay dib u dhacdo mar kale taas oo niyad jab ku keeni karta dowladdaha saaxiibka la ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo safiiro ka howl gala magalada Muqisho ayaa lagu eedeeyey in ay ka shaqaynayaan colaadaha ka aloosan Soomaaliya gaar ahan magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo arrinkaas ay kala shaqaynayaan siyaasiyiin Soomaali ah.
A/cawaale
Halgan.net