Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, oo war ka soo saaray colaadda Gaalkacyo

November 16, 2016 - Written by Editor

525661Keating_SomaliaMadaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug C/karim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada lagu muransanyahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire  oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.

Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta.

Nabad aan xoog lahayn ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda toddobaadkii tagay. Waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood si ay ula socdaan hirgelinta xabbadjoojinta, wadahalkuna hadda wuu socdaa, si la isugu afgarto hab dibuheshiisiin.

Wadahadallo qotodheer, oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa u socda madaxweynayaasha labada dowlad goboleed, si ay ugu heshiiyaan arimaha asaaska u ah in labada ciidan la kala qaado iyo hanaan lagu hirgeliyo laguna hubiyo xabbad joojinta.

“Hanaan xabbad joojin iyo kala qaadidda labada ciidan ayaa muhim u ah xallinta colaadda” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Cidna wax ka dheefi mayso in dagaal dib u billowdo, shacabka ku nool magaalda, dadka ku nool degaanada deriska ah, dadka barakacayaasha ah, carruurta iyo ganacsatada intuba waxaa soo gaaraya dhibaato dheeraad ah.

Cidda keliya ee ka macaashaysa dagaal dib u billowda waa qaswadayaasha xagjirka ah. Waxaa loo baahanyahay xabbad joojin si loo yeesho wadahadal lagu xalliyo arrimaha salka u ah colaadda, wadahadalkaasoo ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ay horseed ka yihiin madaxda degaanka, bulshada rayidka iyo ganacsatada, iyo weliba heer qaran.”

The Special Representative of the
UN Secretary-General (SRSG)
in Somalia, Michael Keating

 

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online