In ka badan 239 Muhaajiriin ah ku dhimatay Xeebaha Liibiya
November 3, 2016 - Written by EditorLibya:-In ka badan 239 muhaajiriin ah ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen laba doonyood oo ay saarnaayeen tahriibayaal kuwaas oo ku degay meel ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegayaan wakaalada wararka ee AFP.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee loo soo gaabiyo UNHCR, ayaa sheegay in la badbaadiyey laba qof kuwaas oo la geeyey Jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee la yiraahdo Lampedusa.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 4 kun 220 qof ay sannadkan badda Mediterranean ay ku dhinteen.
Hay’adda muhaajiriinta u qaabilsan QM ayaa sheegtay in ka badan 239 ku dhintay Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga ay ku jireen 6 caruura iyo 20 dumar ah.
A/Cawale
Halgan.net