Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Gaalkacayo.[Masawiro]

November 15, 2016 - Written by Editor

img_9633Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Nov, 2016 wuxuu Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ugu tagay dadkii dhaawacmay ku weheliyey masuuliyiin kamid ah golayaasha Dawladda Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Iisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacayo Mecical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacayo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib kulan la qaatay masuuliyiinta iyo dhakhaatiirta Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC, waxaana uu Madaxweynuhu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka guddiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee Gaalkacayo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Isbitaalka..

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada Isbitaalka Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacayo.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WAYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online