Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garoowe dib ugu soo laabtay.[Masawiro]

November 20, 2016 - Written by Editor

img_04001Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey oo arimo la xiidhiidh xalinta iyo nabadaynta Magaalada Gaalkacayo u joogey ayaa maanta 20 November 2016 waxaa uu soo gaaray Caasimada Dawladda Puntland ee  Garoowe haalkaas oo si balaadhan loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Dawllada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa duleedka caasimada Garoowe ku soo dhoweeyey Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka mida golayaasha Dawladda Puntland iyo Saraakiisha ciidanka Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor intii aanu soo gaarin Caasimada Garoowe waxaa uu kusoo hakaday qadar kooban degmada Burtinle halkaas oo uu kulan gaaban kula soo qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mudadii uu ku sugnaa gobolka Mugub magaala madaxdiisa Gaalkacayo guulo lixaadleh ka gaaray xaalada Gaalkacayo, isagoona xasiliyey xiisadii daagaaleed ee ka oognayd magaalada gaalkacayo kadib markii uu shirar isdaba jooga laqaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudanne Cumar Cabdirashii Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gaalkacayo ka hirgeliyey xasilooni halkaas oo dadkii magaalada ka qaxay ay bilaabeen in ay magaalada dib ugu soo laabtaan, kadib markii xabadjoojin rasmi ah laga dhaqangeliyey.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online