Madaxweynaha DFS oo bogaadiiyey doorashooyinka ka bilowday Kismaayo iyo Baydhabo

November 8, 2016 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka bilowday magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka maanta ka billowday Dowlad Gobolleedyada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ay yihiin tallaabooyin muujinaya horumarka dalka ee dhanka u bislaashaha dowladnimadda iyo dimuquraadiyada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay uga go’antahay in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyey.

“Doorashooyinka maanta ka billowday Baydhabo iyo Kismaayo waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay shacabka iyo madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in doorashooyinka ay ku soo qabsoomaan watigii loo qorsheeyey” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hergelinta doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta ka biloowday Dowlad Goboleedyadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay.

“Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay.”

—————DHAMAAD———-

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online