Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo lagu soo dhoweeyey dalka Shiinaha.[Masawiro]

November 28, 2016 - Written by Editor

img-20161127-wa00171Chaina:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu anba baxay dalka Chaina ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda dalkaasi ee Shanghai. Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda iyo saraakiil ka mid ah madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Dawladda Chaina.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta Dawladda Chaina iyagoo ka wada hadli doona wanaajinta xiriirka Dawladda Puntland iyo Dawladda Chaina, sidoo kale waxay isla soo qaadi doonaan sidii Dawladda Chaina ay mashaariic horumarineed uga fulin lahayd deegaanada Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland  waxaa ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan caasimadda dalka Chaina ee Shanghai, wuxuuna safarkani qayb ka yahay qorshayaasha lagu adkaynayo xiriirka Dawladda Puntland kala dhexeeya dunida inteeda kale.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online