Madaxweynaha Puntland oo dib uga soo laabtay Boosaaso ee xarunta gobalka Bari (Dhageyso)
November 2, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa did ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana uu ka hadlay duulaanka lagu soo qaaday magaalada Qandala ee gobalka Bari, eedeyn loo soo jeediyey Madaxweyne Gaas oo ah in DFS ay siisay lacag dhan [Saddex Malyan, Labo Boqol iyo Konton doollar].
Madaxweynaha Puntland ayaa ku faanay in saacadaha dhaw lasoo afjari doono kooxda Daacish ee saldhigyada ka suubsatay deegaano ka mid ah gobalka Bari.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kale oo qiray in ay heshiis ku wada gaareen magaalada Dubia Madaxweynaha Galmudug waxaana uu sidoo kale ka qeyliyey hadalkii xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo sheegay in DFS ay siisay Puntland aduun dhan [Saddex Malyan, Labo Boqol iyo Konton doollar].
Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
M_M Deeq
Boosaso