Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Salaad Roob Doon ah oo lagu qabtay Garoowe (Masawiro)

November 21, 2016 - Written by Editor

img_0673Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 November, 2016  waxa uu ka qayb galay isu soo bixii roob doonta ee ka dhacay duleedka  magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo bulshada caasimadda Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonta, iyaadoo Madaxweynuhu uu ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad ka jeediyay isu soo baxa roob doonta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhamaan umadda muslimka ah ay ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu duceeyey dhamaan bulshada in ilaahay uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha isla markaana uu roob khayra qaba ugu bedelo dhibaatada haysata.

” Waxaan isugu nimi roob doon iyo ilaahay inaan barino , waxaana loo baahan yahay inaan ilaahay ka baqno, inaan is cafino, in aanu towbad keeno, inta nugul ee jilicsan ee dhibaatadu haysato aan u naxariisano oo aan ugu gargaarno wixii aan awoodno si deg deg ah, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na cafiyo, ilaahayoow khatumada noo suubbi, ilaahow beddel khayr qaba ayaanu kaa barinay, ilaahow nasii roob khayr qaba oo aan dhibaato noo geysan, ilahow abaarta iyo colaadda naga saar” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha isla markaana uu ugu bedelo barwaaqo iyo bash bash.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online