Madaxweynaha Puntland oo Kulan laqaatay Gudiga Abaaraha Dawlada Puntland (Masawiro)

November 22, 2016 - Written by Editor

img_0791Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas ayaa manta 22 November 2016 kulan laqaatay qaar kamid ah  gudiga abaaraha ee goloyaasha Dawllada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynuhu laqaatay gidiga abaaraha ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawllada Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kala hadlay gudiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii dawladda Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas oo kulanka si xeeldheer uga hadalay ayaa ugu horayn ka warbixiyey abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka Dawladd ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galayaan gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sidii looga hawl geli lahaa xaalada abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

Ugu danbeyn  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa iyo naxariistiisa.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online