Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Cuqaasha, Nabadoonada magaalada Gaalkacyo (Masawiro)

November 11, 2016 - Written by Editor

img_4196Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 11 Nov, 2016 waxaa uu qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacayo kula kulmay cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay maanta qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, kulankaas oo ahaa kulan xog waran ayaa waxaa odayaashu ay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradkii ka qayb galay kulanka ayaa waxay ku tiiqtiiq sadeen sida ay u arkaan dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo sida ay ula muuqato aragtidooda sidii xal waara loogu heli lahaa sidii magaalada Gaalkacayo iyo bulshada ku dhaqan ay u heli lahaayeen xasilooni iyo xal waara oo lagu xasiliyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Mudug uga mahad celiyay sida ay markasta ugu howlan yihiin sidii loo qaboojin lahaa xaaladda magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay in Dawladda Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii bulshada magaalada Gaalkacayo ay nabad-gelyo iyo deris wanaag ugu wada noolaan lahaayeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Dawladda Puntland markasta heegan ugu tahay difaaca xuduudaha iyo shacabka Puntland iyo waliba muhiimada ay leedahay inay qaado tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso arga-gixisada iyo cadowga Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online