Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda Shiinaha.(Masawiro)

November 28, 2016 - Written by Editor

img-20161128-wa0147Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha gaar ahaan caasimadda ganacsiga waddankaasi ee Shanghai ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan  Dawladda Shiinaha sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Khayraadka, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Technology-yadda iyo Science-ka iyo ganacsatada dalkaasi Shiinaha.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle “Indha gurran”, Wasiirka Dekedha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Wasiiru Dawlaha Kalluumaysiga Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Kulmiye, Agaasime Ku Xigeenka Hay’adda Macdanta Puntland Cabdicasiis Maxamuud Cali “Xaaji Sayn” iyo Kaaliyaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Mukhtaar Cabdisalaam.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii loo abuuri lahaa xiriir dhaqaale oo xoog leh oo dhex mara Dawladda Puntland iyo Dawladda Shiinaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii Dawladda Shiinaha ay uga caawin lahayd Dawladda Puntland wax soo saarka kalluunka iyo warshadaha, iyo sidii maalgashi loogu samayn lahaa dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta Dawladda Shiinaha faah-faahin buuxda ka siiyay khayraadka kala duwan ee ay Dawladda Puntland haysato iyo in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay u diyaarsan yihiin inay soo dhoweyso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa deegaanada Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tan iyo markii la doortay ku howlan sidii uu horumarin ugu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo dar-dar gelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deegaanada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online