Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo Daah-furay Shirweynihii Saddexaad ee Waxbarashada Puntland. [Masawiro]

November 30, 2016 - Written by Editor

img_2137Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November, 2016 waxa uu si rasmi ah u dah-furay shirweynihii saddexaad ee waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda, masuuliyiin ka mid ah hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Shirweynaha saddexaad ee waxbarashada Puntland waxaa sidoo kale ka qaybn galay masuuliyiin ka socotay maamulada dalka, safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo, masuul ka mid ah bangiga adduunka, saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka wuxuuna wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay sida ay u gudanayso waajibaadka ka saaran horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Ugu danbayn , Madaxweyne ku xigeenka ayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha calamka ku adkeeyey inay sii xoojiyaan taageerada ay Dawladda Puntland ka siiyaan tayaynta dhinaca waxbarashada, iyadoo isbeddel baaxad leh laga dareemayo waxbarashada Puntland.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online