Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qabilay safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya.

November 29, 2016 - Written by Editor

img_1842Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti ay hoggaaminayso safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya ambassador Mss Veronique Lorenzo.

kulankan uu la qaatay madaxweyne ku xigeenku safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ku weheliyey masuuliyin ka tirsan golloyaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland.

kulan ayaa waxaa lagaga wada hadlay abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland, mashaariicda ay midawka yurub ka fuliso Puntland, waxbarashada, caafimaadka, amniga, doorashooyinka ka socda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

kullan gaara oo ay wada qateen ka dib, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa la hadlay warfidiyeenada, waxaana uu shegay in Dawladda Puntland ay uga mahad celinayso midawga Yurub mashaaricaha horumarineed ee ay ka wado Puntland, sidoo kale wuxuu  sheegay in socdaalka  Danjiraha Midaga yurub  ee Garoowe uu salka ku hayey masruuc ay wasarada waxbarasha ka caawiyaan.

” waxaan aad ugu faraxsanahay inaan caasimada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweyno ambassador ka Midawga Yurub Miss. Veronique Lorenzo, oo markii ugu horaysey timi Garoowe, Safiirka iyo weftiga la socdeyba waxa uu socdaal koodani salka ku hayey mashruuc ay wasaarada waxbarasha Puntland ka cawiiyaan, runtii aanuna aad iyo aad ugu qanacsanahay, kuna farax sanahay waxa ay uqabtaan shacabka Puntland iyo Dawladda-ba, sidoo kale waxaanu ka wada hadalay ambassadorka xaalada abaareed ee ka jirta puntland, tasoo ay ka warhayaan beesha calamka iyo ummada Soomaliyeedba inay tahay tii ugu qalafsanayd ee taarikhda abid soo marta Soomaaliya, waxaanuna ambasodor Mss. Veronique Lorenzo, lawadaagnay in loobahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado dadka abaaruhu sameeyey”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey

Ambassador Mss.Veronique Lorenzo ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay aad ugu farax santahay socdaalka ay ku timi Puntland, sidoo kale waxa ay ka dhawajisay in socdaal koodan uu salka ku hayey mashruuca waxbarasho ee ay wasaaradda waxbarashada Puntland ka caawiyaan islamarkaana ay ka qayb galaan shirwaynaha saddexaad ee wasaada waxbarada Puntland, Sidoo kale ambassador Veronique Lorenzo ayaa waxa ay  Dawladda Puntland ku amaantay qaabka iyo hanaanka doorasho ee ka socota Puntland.

Ugu danbayn ambassador Veronique Lorenzo ayaa sheegtay in midawga Yurub ay gacan lixaad leh ka gaysan donaan sidii loo cawin lahaa dadka abaaruhu sameeyeen.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online