Madaxweyne Kuxigeenka Dawlada Puntland oo ka qaybgalay kulan lagaga Hadlayey Maalgashiga Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Maamul Goboleedyada Dalka.[Masawiro]

November 1, 2016 - Written by Editor

img_1582-1Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 01 November 2016 Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa dhanka Puntland kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland, iyadoona kulanka intii uu socdey diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa muddadii kulanku socday  lagu lafa guray sidii loo midayn lahaa guud ahaan bangiyada ka hawl gala Soomaaliya isla markaana ay u yeelan lahayeen xidhiidh sahlaya in shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u wada adeegsan karaan guud ahaan bangiyada dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamul goboleedka Soomaliyeed ee Hir-Shabeelle oo aan isagu ka soo qayb gelin kulanka lagu gorfaynayey adeegga maaliyadeed ee soomaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku soo dhoweyey Puntland  xubnaha ka socdey maamul goboleed yada Dalka iyo kuwa ka socdey Dawladda fadaralka Soomaaliya.

Dhinaca kale  Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay in kulankaani  uu muhiim u yahay is dhexgalka maamul goboleedyada Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in adeeggan maaliyadeed ee soomaaliya uu wax weyn ka bedeli doono mustaqbalka dhaqaale ee soomaaliya iyo isu keenidda ganacsatada soomaaliya.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa ku boorriyey masuuliyiintii kasoo qayb gashay kulankaan in muddada dhowrka berri ee uu socon doono kulankaan lagu gorfaynayo nidaamka adeegga maaliyadeed ee Soomaaliya ay ka soo saaraan qodobbo dhaxal-gal u ah ummadda Soomaaliyeed  isla markaana wax weyn ka beddeli kara adeegga maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online