Mu’asasada Al-Minhaaj oo kulan soo dhaweyn ah u samaysay qaariga weyn ee Soomaaliyeed Sh C/rashiid Sh Cali Suufi.[Masawiro]

November 21, 2016 - Written by Editor

20161120_175427Boosaaso:-Mu’asasada Al-Minhaaj faraca gobolka bari ayaa soo qaban qaabisay kulan aad ubalaaran oo Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi loogu soo dhaweynayey magalada Boosaaso.Kulankaan oo ka dhacay masjidka weyd ee Al-rowda Bosaso ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybo ka mid ah culimada waaweyn ee soomaaliyeed iyo dadweyne aad u farabadan oo isugu jira bulshada qaybaheeda kaladuwan . Ugu horeyntii ayaa waxaa kalmad soo dhaweyn ah goobta ka jeediyey Sh.Daahir Aw Cabdi ,isagoo aad ugu dheeraaday taariikhdii Sheekh Cali Suufi Alle ha unaxariistee, oo uu ka mid ahaa Sheekhu Ardaydiisa.

Dhinaca kale wuxuu Sheekh Daahir tilmaamay sida uu ugu farax sanyahay Sheekh C/Rashid imaashihiisa magaalada Boosaaso ,ayna aad ugu soo dhaweynayaan .Intaas ka dib Sheekh  C/rashiid Sheekh Cali Suufi ayaa kalmad ka soo jeediyey masjidka . Sheikh C/rashiid ayaa bulshada ku dhiiri galiyey in ay diinta fidiyaan kuna dhaqmaan ,isagoo aadna ugu dheeraada ka sheekaynta khibradii dacwo.

Sheikh Axmed Daahir Xasan Ugu danbayntii kalmada soo jeediyey ayaa sheekh c/rashiid uga mahad celiyey booqashadiisan wadanka uu kuyimi .wuxuuna bulshada ku dhiiri galiyay in ay bartaan cilmiga sharciga ah kuna dadaalaan ku dhaqanka diinta. Gabagabadhii kulankaan soo dhaweynta ahaa oo ka soo qayb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaa uu ku soo dhamaadey jawi aad u wanaagsan.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Faraca Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online