Mu’asasada Al-minhaaj oo Raashin u qaybisay dadkii ku barakacay dagaalkii Gaalkacyo.[Masawiro]

November 28, 2016 - Written by Editor

thumbs_dsc00304Gaalkacyo:-Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Mudug oo gacan ka helaysa Gudoomiyaha Guud ee Alminhaaj ayaa raashin u qaybisay 250 qoys oo ka mid ah dadkii ku barakacay dagaalkii Gaalkacyo isla markaana ku soo noqday guryahoodii iyaga oo aa inta badan awoodin in ay helaan waxay cunaan  taas oo sababtay in qoysas badan ay  dabku ka seexdo.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa waqti ay bulsho badan baahi u qabtay in ay helaan wax ay ku noolaadaan  waana Hay’addii ugu horaysay oo dadkaan dagaaladu guryahooda ka saareen gaarsiiyay  raashin deeq ah .

Deeqdaan oo iskugu jirtay Raashinka Qaybihiisa kala duwan sida Bariis/Bur /Sonkor/Saliid/ Timir waxaa qoyskiiba lasiiyay waxay ku noolaadaan Mudo Bil ah sida uu sheegay Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Alminhaaj Sh Maxamed C/Laahi Cabdulle.

Dhanka kale Gudoomiyaha Mu’sasada Alminhaaj G/Mudug Cawil Axmed Muumin waxaa uu mahadceliyay Mu’asasada Guud ee garab istaagtay Shacabkaan baahan .

Ugu Danbayntii Qaybinta Deeqdaan ka dib waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Mu’asasada alminhaaj Heer Puntland Sh.Maxamed C/laHI Cabdulle oo u Mahad Celiyay Jumciyada Shaariqa Khayriya Oo Minhaaj Inta badan kacaawisa  Deeqa haan oo kale Waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyay Mu’asasada Alminhaaj Xafiiskeeda Gobolka Mudug oo sidii la rabay dadkaan u soo xulay.

Nuur Jaamac Aadan
Halgan,net, Galkacyo  

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online