Qarax Geystay Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degamada Waaberi (Masawiro)
November 26, 2016 - Written by Editor
Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen tira intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay bartamaha suuqa beerta ee Degamada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waana suuq lagu iibiyo Khudaarta ,Khaasaraha qaraxa ayaa waxaa laga baqayaa in uu sii kordho .
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa u xaqiijiyey warbaahinta qaraxa ka dhacay bartamaha suuqa beerta ee Degamada Waaberi ee Magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen.[nggallery id=1906]
Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey waxaana uu ku tilmaamay kuwa qaraxa ka geystay Suuqa Khudaarata kuwa u soo dhardhigtay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

