Siminaar looga hadlayey Maamulka iyo Maareynta oo lagu qabtay magaalada Odense

November 27, 2016 - Written by Editor

15107468_959136244191801_4455951556387765464_nOdense:-Siminaar ay soo qaban qaabiyeen Midowga Maraakista Islaamiga ee dalka Denmark ayaa waxaa lagu qabta Magaalada Odense ee Denmark seminarku wuxuu socday laba maalmood 12-13/11/2016.

Waxa seminarka halkudhig u ahaa Sidee loo maamulaa markas,waxa seminaarka loogu talagalay maamulada maraalista,waxa duruus dhaxalgal ah kasoo jeediyay Sheekh Maxamed Idriis Axmed Xafidahulaah oo midowgu uu kasoo casuumay Wadanka Maraykanka.

Waxa kale darsi ka soo jeediyay Qareen Axmed Haadi oo maraakista u cadeeyay qawaaniinta wadanka iyo waxa looga baahanyahay Maraskista. Waxaa ka soo qeyb galay ilaa sagaal Markas oo min shan xubnood soo dirsadey oo gudiga ka mid ah, waxay kala ahaayeen.

1-Masjidka Tawxiid kobenhagen
2-Masjidka Tawfiiq Slagelse
3-Masjidka Iqra Odense
4-Masjidka Tawfiiq Odense
5-Masjidka Al-Taqwaa Aarhus
6-Masjidka Bilaal Aarhus
7-Masjidka Salsabiil Aarhus
8-Masjidka Quba Viborg
9-Waqafka Aalborg
Waxa Midowga qorshe u ah mustaqbalka dhaw in uu u qabto seminaro faa,iido u leh Bulshada Soomaaliyeed. Baahida keentay in seminarkan la qabto ayaa wuxuu ahaa kadib markii uu arkay Midowga Maraakista Soomaaliyeed baahida ay guud ahaan bulshadu u qabto gaar ahaan hawl wadeenada maraakistu in ay wax ka ogaadaan qaabka wax loo hogaamiyo iyo qiimaha uu leeyahay maamulka wanaagsani ayuu go,aansadey in uu u soo qabanqaabiyo seminaarkan .

Dhinaca kale Sheekh Maxamad Idiris intii uu Joogay Denmark Wuxuu Jowla Dacawiga ah Ku Maray magaalooyinka badan oo ka mid ah wadanka Danmark, Magaalo Walba oo Tagana Waxaa Loo soo Dhaweenayay si aad u qurux badan Wuxuuna Ka Jeediyay Muxaadaro Kala Duwan, Meel Walba oo Tagana Waxa uu Talo iyo Tusaalo Siinayaa Maamulada Maraakista, Dhalinyarada iyo Odayaasha, in la adkeeyo Midnimada lagana Wada Shaqeeyo Wax Walba oo Ummada u Horseedi karta Wanaag iyo Midnimo.

Masawirada iyo Muxaadaradaadka Sh Maxamed Idirs dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshaalaah

Midowga Maraakista Islaamiga ee Denmark
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online