Weerar Ka Dhacay Jaamacadda Ohio oo la sheegay in uu geystay qof Soomaali ah

November 28, 2016 - Written by Editor

ohioWeerarka ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus ayaa wararka nasoo gaadhaya sheegayaan in lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qof Soomaali ah.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu baabuurka uu watay uu dadka jiidhsiiyo kadibna isaga oo mindi wata uu galay jaamacadda isla markaana dhowr qof uu toorriyeeyey.

Wararka ay idaacadda VOA ka heshay dad ka mid ah bulshada ayaa sheegaya in ninkaasi lagu magacaabo Cabdulrazaak Cali Cartan oo 20 sano jir, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu 18 sano jir yahay, isla markaana uu waddankan Maraykanka soo galay sannadkii 2014-kii.

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ayaa VOA Somali u sheegay inay soo waceen qoys sheegaya in gurigooda ay soo galeen xubno ka tirsan booliiska iyo FBI-da kadibna ay bilaabeen inay qoyska mid-mid u waraystaan.

Ilaa haatan booliiska ayaan si rasmi ah u shaacin magaca qofka weerarka lagu tuhunsan yahay iyo ujeeddada weerarka ka dambaysa toona.

Sucaad Cusmaan oo ka mid ah ardayda jaamacadda dhigata ayaa VOA uga warrantay dareenkeeda xilliga weerarku dhacay waxayna sheegtay inay cabsiweyni gashay isla markaana ay ku sugnayn maktabadda jaamacadda.

Waxay sheegtay in booliisku ay goor dambe fasaxeen dadkii ku sugnaa jaamacadda inay baxaan, waxaana lagu dhowaaqay in jaamacaddu xidhan tahay.

Dhinaca kale waxaa dareenka magaalada iyo weerarkaas VOA uga soo warramay magaalada Columbus weriyahayaga Cabdikaafi Yuusuf Aadan.

VOA Somalia
Halgan.net

F:G Marka laga reebo Warbaahinta reer galbeedka ma jirto cid madax banaan oo xaqiijisay in weerarka uu geystya qof Soomaalia ah.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online